Odowaa: “Madaxweynahu hal maalin ma tanaasulin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), ahna haatan xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa ka falceliyey khudbadii shalay madaxweyynaha ee baarlamaanka.

Odowaa ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi Farmaaho uusan hal maalin sameyn wax tanaasul ah, gaar ahaan kiisasii ay la kulantay dowladdiisa muddada 4 sano ah ee ay jirtay, isaga oo tusaale u soo qaatay, dhiibistii Qalbi-Dhagax, ridistii Jawaari, arrinka Gedo & ridistiisii Ra’iisul wasaare Khayre.

Sidoo kale Odowaa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynuhu xilligan ku faano tanaasul ayaan sameeyey, isaga oo tilmaamay inay tahay arrin marin habaabin ah.

“Madaxweynuhu wax kale oo kasta haba sheegtee waan tanaasulay inuu Ummadda u sheego waa ayaan darro iyo marin habaabin cusub,”. ayuu yiri xildhibaan Odowaa.

Halkan hoose ka aqriso:-

Farmaajo iyo Tanaasul: Mashriq iyo Magrib

——————————————-

Shalay waxaan ku maqanaa meel aan anteeno fiican lahayn.

Waxaan saakay dhagaysatay khudbada Madaxweynaha saacaduhu ka harsanyihiin muddo xileedkiisa uu baarlamaanka shaley ka jeediyay

Waxaan la yaabay inta badan madaxweynaha fasaaxad la’aan waa lagu ogaaye laakiin inuu yiraa tanaasul baan sameeyay.

Xukunka madaxweyne Farmaajo iyo tanaasul meel islamaba galaan.

Afar sano oo caga jugleyn, dhago adeyg iyo aamusnaan u badan ayuu muddo xileedkiisii ku dhamaaday.

Hal maalin madaxweynuhu ma tanaasulin, laga bilaabo

– Dhiibistii Qalbi-dhagax

– Ridistii Jawaari

– Boobkii doorashada maamulada dowlad gobleedayada

– Arinka Gedo

– Ridistiisii Raiisul Wasaarishii

– Arimaha la xariira doorashada

Doorashada dhan ee Soomaliya waxa ay u taagantahay madaxweynaha oo diidan inuu mamaulka Jubalanad u madax baneeyo maamulka Gedo.

Madaxweynuhu wax kale oo kasta haba sheegtee waan tanaasulay inuu ummadda u sheego waa ayaan darro iyo marin habaabin cusub.