Ciidan ilaalinayey shaqaale Turkish ah oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya wadada dheer ee  isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa sheegaya in maanta markale wadadaasi uu ka dhacay qarax miino oo lala eegtay ciidamada Haramcad ee sugaya amniga jidkaasi.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Carbiska, iyada oo lala eegtay ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ilaalinya Shaqaalaha iyo Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada wadadaasi oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan ay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay ku dhowaad 5 askari oo ka mid ah ciidamada Haramacad ee qaraxa lala beegsaday.

Sidoo kal kadib qaraxa ciidamada ammaanka ayaa sameeyey baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaas iyo howl-gallada xigay intaba.

Muddooyinkii u dambeeyey Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada qaraxyada ah ee ka dhanka ah Shaqaalaha iyo Injineerada dhismaha ka wada jidka Afgooye & Muqdisho.