FARMAAJO oo war kasoo saaray dib u doorashada hogaanka Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Moussa Faki iyo Ku-xigeenkiisa Marwo Dr. Monique Nsanzabaganwa oo dib loogu doortay hoggaanka ururka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ku bogaadiyey Moussa Faki doorka uu weyn ee uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu sii adkeynayo muhiimada ay leedahay in hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha horumarka, ilaalinta nabadda iyo xasiloonida guud ahaan gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo haatan waqtigiisu sii dhammaanayo ayaa sidoo kale tilmaamay inay ka go’an tahay dowladdiisa xoojinta doorka ay ka qaadaneyso adkenta nabadda Geeska Afrika, xasilloonida, horumarinta dhaqaalaha & daris wanaaga.

Si kastaba Soomaaiya ayaa door fifircoon ku leh ururka Midowga Afrika oo ciidamo ay ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo ka qeyb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.