Maxaa laga fahmay khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo u jeediyey BF?

Muqdisho (Caasimada Online) – Marka la eego Khudbadii shalay ee Madaxweyne Farmaajo waxaa kuu Iftiimaya in uu taagan yahay madaxweynuhu xaalad quus ah, oo aysan caddeyn sida looga bixi karo, waxaana laga dareemayaa inuu ku daalay xaaladaha jahwareeerka leh ee ku qotanta doorashooyinka Soomaaliya. 

Madaxweyne Farmaajo waxa uu aad uga qeyla dhaamiyay madaxda Puntland iyo Jubaland oo uu ku sheegay in ay mar kasta furayaan xargaha uu xiro ee xalka doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka muuqday niyad jab iyo kalsooni la’aan uu ka qabo madaxda kale ee lagu xanto in ay dhankiisa jiraan, sida HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed. 

Madaxweyne ayaa dhowr jeer tibaaxay inuu tanaasulay isaga oo awoodo inuu ku adkeysto go’aanadiisa saxda ahaa, sida uu yiri 

Waxa uu muujiyay in uu jiro faragalin shisheeye oo toos ah, taas oo taabaneysa heshiisyada doorashooyinka waxa uuna ka deyriyay in lafara geliyo dal xur ah oo madaxbannaan. 

Waxa uu dowladda uu hoggaamiyo ku sheegay mid diyaar u ah doorasho hufan oo lagu qanci karo balse waxa uu rajo xumo ka qabaa in sidaas lala fahmi waayay oo madaxda Dowlad goboleedyada ku qanci waayeen sida ay Dowladda wax urabto. 

Farmaajo waxa uu ku adkeysanayaa in firaaq dastuuri ah aanu dalka geli doonin tusaale ayuuna ka dhigtay baarlamaanka oo uu xasuusiyay in waqti xileedkoodu dhamaaday 27-kii bishii December sanadkii hore. Hadalkan ayaa laga fahmi karaa in isagana uu sidoo kale xukunka sii haysan doono xitaa haddii aanu helin muddo kororsi rasmi ah.

Madaxweynuhu wuxuu ka baaqsaday hadallo suuqa ugu jiray oo ku saabsanaa inuu daneeynayo muddo kordhin, sababta uu golaha u codsadeyna ay tahay ajando waqti dheereysi ah. 

Qodobkaan waxaa la aaminsan yahay in Madaxweyne Farmaajo isaga daayay cadaadiska beesha caalamka darteed.