Guddiga doorashada oo si adag uga hadlay fashilka shirkii Dhuusamareeb 4

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga lagu muransan yahay ee doorashada Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in is afgaran waa uu ku soo dhamaado, shirkii madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ay ku yeesheen Dhuusamareeb.

Arrinta guddigan ayaa ka mid ah seddax qodob oo khilaaf culus uu ka taaganyahay, isla markaana sababtay in illaa hadda la isku fahmi waayo heshiiskii laga gaaray doorashada dalka 17-kii bishii September ee sanadkii hore.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Samareeb, wuxuuse muujinayaa inay jirto rejo wanaagsan oo weli lagu xallin karo is mariwaaga taagan, wuxuuna dhinacyada ugu baaqayaa in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddigan lagu muransan yahay.

Qoraalka ayaa intaas ku daray, “Guddigu waxuu u soo jeedinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay muhiim u tahay xilligaan in laga wada shaqeeyo isu keenidda dhinacyada hoggaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlaha Xubnaha ka ah. Waxuuna guddigu ku boorrinayaa culimada, hoggaanka dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda in ay lagama maarmaan tahay in ay qaataan doorkooda soo jireenka ah ee xalinta khilaafyada lagu xalinayey hab dhaqameedka, kaasi oo ahaa wakhti dheer xalka rasmiga ah ee ay Soomaalidu dhexdeeda isku xalliso.”

Guddiga ayaa qoraalkan ugu mahadceliyey dhammaan dhinacyadii isku howlay xallinta khilaafka doorashada, waxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyey shacabka iyo maamulka Galmudug oo marti geliyey shirarkii Dhuusamareeb 1 illaa 4, sidoo kale beesha calaamka ayuu garab taageeda Soomaaliya uga mahad celiyey.

“Guddigu waxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka dalka ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Si dalku marxaladda uu ku jiro uga gudbo, waxaa uu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay tahay xalka keli ahi fulinta heshiiskii doorashada ee la gaaray 17 Sebteembar 2020, Isla markaana guddigu u diyaarsanyahay qabashada doorashooyin  xor iyo xalaal ah,  oo ka dhaca dalka.”