Daawo: Feysal Cali Warabe oo hal arrin u tiiriyey fashilka SHIRKII Dhuusamareeb 4

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa si kooban uga hadlay shirkii fashilka ku soo dhamaaday ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ku dhex-maray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Guddoomiye Feysal ayaa sheegay in shirkaas uu fashiliyey khilaafka ka taagan sida loo soo dooranayo xildhibaanada dowladda federaalka ku metelaya Somaliland, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Waxaad arkeyseen in Dhuusamareeb lagu kala kacay, waxaa la leeyahay waxaa lagu heshiin waayey xildhibaanadii Somaliland, marka ragii u shaqa tegay ayey leeyihiin waa xildhibaanadii Somaliland,” ayuu yiri.

Guddoomiye Feysal oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Anagu waxaan u diyaarsanahay inaan qaranimadeena u soo ceshano, sida Jabuuti, NFD iyo DDS, marka reer Soomaaliya waxaan leenahay is hagaajiya, anagu teena waan heysanaa, colaadna idiinma qabno.”

Inkastoo qodobadii la isku hayey ay mid aheyd arrinta Somaliland, hadana qodobkii ugu adkaa ee fashiliyey shirka Dhuusamareeb ayaa ahaa arrinta gobolka Gedo, waxayna dowladda federaalka iyo Jubbaland isku eedeeyeen fashilka ku yimid shirkaas, maadaama ay isku heystaan maamulidda gobolkaas.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa meel aad u cakiran oo aan la saadaali karin halka ay u jaheysa doonto saacadaha ama maalmaha soo socda, maadaama saacado kooban ay u hareen madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay meesha ka baxeyso kala sareyntii dadka.

Hoos ka Daawo Feysal