DF iyo Shabaab oo ka hadlay dagaal ka dhacay Gedo

Garbahaarey (Caasimadda Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay tuulada Shaataloow oo qiyaastii 18 KM u jirta dagmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana dhacay dagaal khasaare badan dhaliyay.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa tabiyay warar iska soo horjeeda iyadoo dhinac walba uu sheegtay guulo uu ka gaaray dhigiisa kale.

Taliyaha Xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka hor tageen duulaan ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab isla markaana ay dileen xubno ka tirsan.

Taliyaha wuxuu kaloo sheegay iney gacanta ku dhigeen hub ay wateen, warbaahinta ayuuna u sheegay iney guul ka gaareen.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii dhacay, waxeyna sheegeen iney khasaaro badan gaarsiiyeen ciidamada dowladda.

Warbaahinta afka Al-Shabaab ku hadla ayaa daabacay in dagaalyahanada ay gacanta ku dhigeen laba gaari oo nuuca dagaalka ah oo ay ciidamada wateen, kuwaas oo ay sheegeen iney ku socdeen wadada xiriirisa Luuq iyo Doolow.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo geysay gobolka Gedo, waana kuwa dhaq-dhaqaaqa ugu badan ak wada deegaankaas.