Xog: Sidee lagu fashiliyey qorshihii muddo kororsiga ee kulankii BF ee maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii baarlamanka Soomaaliya ee maanta ee uu khudbadda ka jeediyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday mid aan macno badan sameyn, kadib markii qorshihii madaxweynaha iyo xidlhibaanada taageersan ee muddo kordhinta ay fashiliyeen xildhibaanada mucaaradka, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qorshaha muddo kordhinta loogu sameynayo madaxweynaha, oo ay horey uga digtay beesha caalamka, ayaa socday dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyey, hase yeeshee awoodda xildhibaano isbaheystay ayaa ku qasabtay guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal inuu meesha ka saaro, sida ay dhowr xildhibaan u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, Mursal ayaa waxaa xalay u tegay xildhibaanada mucaaradka oo aad u tiro badan, waxayna ku wargeliyeen inaysan ogolaaneyn in kulankaas uu qabsoomo, hase yeeshee Mursal ayaa codsaday inay ogolaadaan kulanka balse ballan-qaaday inaan ajendaha shirka lagu soo dari doonin wax muddo kordhin ah.

Xildhibaanada oo aan kalsooni buuxda ku qabin Mursal ayaa ku xiray saddex shardi, si kulanka loo qabto, kuwaas oo kala ahaa.

1 – Inuu si shaacsan u shaaciyo in ajendaha kulanka aanu qeyb ka aheyn wax muddo kordhin ah, kuna kooban yahay khudbadda madaxweynaha kaliya.
2 – Inuu kulanka ka saarao xildhibaanada Aqalka Sare, maadaama kuwa la ogaa inay imanayaan ay ahaayeen kuwa taageersan madaxweynaha.
3 – In warbaahinta loo ogolaado kulanka, si ay u duubaan wax kasta oo ka dhacaya xarunta.

Guddoomiye Mursal ayaa fuliyey dhammaan saddexda qodob, wuxuuna madaxweynaha ku wargeliyey in qorshihiisa uusan socon karin sababo la xiriira cadaadiska xildhibaanada mucaaradka oo tiro badan iyo kan beesha caalamka oo horey u jiray.

Madaxweynaha ayaa kadib qorshihiisa bedelay wuxuuna kulanka ka jeediyey khudbad aan wax badan soo kordhin, ayada sidaas ku fashilmay qorshihii muddo kororsiga.