Shir xasaasi ah oo madaxda dowlad goboleedyada uga socda Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Wararka aan caawa ka heleyno magaalaada Dhusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo shir gaar ah oo u dhaxeeya madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Jubbaland.

Shirkaas oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin oo warbaahintu ay dibad-joog ka tahay ayaa xogaha aan ka heleyno waxay sheegayaan in madaxdu ay uga hadlayaan khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Khilaafka doorashooyinka dalka oo hadda ka sii daray ayaa sababay in natiijo la’aan uu ku soo dhamaado shirkii maalmihii lasoo dhaafay madaxda heer federal iyo heer dowlad goboleed uga socday Dhuusamareeb.

Sida aan xogta ku helnay madaxda ku sugan Dhuusamareeb waxay shirarkooda diiradda ku saarayaan sida laga yeelayo dalka, hadii la gaaro 8-da Febraayo oo ah maalinka u dambeysa ee mudo xileedka madaxweyne Farmaajo.

8-da bishan Febraayo oo 4-tiisa sano ay u dhamaaneyso madaxweyne Farmaajo ayaa ku beegan Isniinta soo socota, waxaana naga xigta berri oo Axad ah.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa maanta isaga soo baxay Dhuusamareeb, iyadoo aysan jirin wax heshiis ah oo la gaaray.

Qodobka ugu adag ee fashiliyey shirkii wadatashiga ee Dhuusamareeb ayaa noqday arrinta gobolka Gedo, waxayna dowladda federaalka iyo Jubbaland isku eedeeyeen fashilka ku yimid shirkaas, maadaama ay isku heystaan maamulidda gobolkaas.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa meel aad u cakiran oo aan la saadaali karin, halka ay u jaheysa doonto saacadaha ama maalmaha soo socda, maadaama saacado kooban ay u hareen madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay meesha ka baxeyso kala sareyntii dadka.