Madax goboleedyada oo xiisadda siyaasadeed ee K/G kasoo saaray 8 qodob

Baydhabo (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Golaha Iskaashiga Dowlad  goboleedyadda ayaa looga hadlay faragalin ay sheegeen in dowladda Soomaaliya  ay ku heyso maamul  goboleedyadda gaar ahaan doorashadda Koonfur Galbeed Soomaaliya

Golaha ayaa soo dhaweeyay Iscasilaadii Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in ay kasoo hor yimaadeen Faragelin ay sheegeen in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku hayso Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in illaa boqol Xildhibaan ku dhow oo ka tirsan Koofur Galbeed lagu daabulay diyaarado, lana geeyay magaalada Muqdisho, si loo siiyo lacago laaluush ah sida lagu yiri qoraalka.

Halkaan hoose ka akhriso:

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com