XIISAD maanta ka taagan waqooyiga Muqdisho iyo Amisom oo xasuuq geystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM dad rayid ah ku laayeen xaafadda SOS ee magaalada Muqdisho.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay agagaarka SOS, sida dadka goobjoogayaasha ay sheegeen, waxaana kadib ciidamada AMISOM oo lugeynaya dileen dad rayid ah oo iska qaxweynayay.

Afar ruux ayay siyaabooyin kala duwan saaka ciidamada AMISOM ugu dileen SOS ilaa Ex Control Balcad, waxaana dadka la dilay ku jiray ruux Dameer watay oo ku cararay Meel Garaash aheyd.

Seddexda kale ayaa ku sugnaa maqaayad ku taala Ex Control Balcad, halkaasi oo la sheegay inay isaga qaxweynayeen, lamana oga sababta ciidamada ay dadka rayidka ah u dileen.

AMISOM ayaa marka qarax lagula eegto ilaa Suuqa Xoolaha waxay furaan rasaas badan oo afarta dhinac ah, waxaana rasaastii saaka ku dhaawac dad xaafadahooda ku sugnaa.

Waxaa haatan banaanbax xoogan uu ka socdaa halka saaka rayidka lagu dilay, waxaana dadka ay kasoo horjeedaan tacadiyada ciidamada AMISOM ka geystaan Degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com