Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhabo iyo qorshaha doorashada K/G

Baydhabo (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Baydhabo ayaa dhegtooda ay kor u taagan iyaga oo ka dhowr sugaya go’aanada xiga isacilaadii 15 xubnood oo ka tirsanaa guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Xaaladda siyaasadeed ee magaalada ayaanan daganeyn ilaa xalay, waxaana socday ilaa xalay kulammo kala duwan oo ka dhacayay magaalada Baydhabo oo dhexmaraya dhinacyada kala duwan ee kusugan magaalada.

Wararkii u dambeeyay oo aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan uu wado qorshe uu musharixiinta Koofur Galbeed kaga dhaadhicinayo in dib loo dhigo doorashada.

Shariif Xasan ayaa horey u dalbaday in waqti dheeri ah la siiyo, laakiin hadda ciyaar cajiib ah ayuu sharaxay, maadaama culees badan uu kaga iaamanayay dhanka dowladda Soomaaliya kadib markii xildhibaanadii ugu badnaa Muqdisho la keenay.

Musharixiinta aragti ahaan kasoo Horjeeda Shariif Xasan ayaa dhankooda xalay kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo xubnaha guddiga ka harsan ee aan wali iscasilin, iyaga oo kala hadlay in doorashada waqtigeeda ay dhacdo.

SHariif Xasan, ayaa ciyaarta ka bilaabay markii uu badalay dhamaan ciidamadii ilaalada madaxtooyada isaga oo dad ku heyb ah ku badalay, waxaana uu ka baqayay in ciidamada kale dhibaato ku keenaan.

Wararka ayaa sheegaya inuu doonayo in doorashadan ay dib u dhacdo, waxaana sidoo kale soo baxaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu wado qorshe uu isku casilayo, waana qorshaha labaad haddi qorshaha iscasilaada xubnaha gudiga lagu guuleysan waayo.

Shariif Xasan, ayaa hadda helay fursad uu wadahadal ku gali karo, waana ruux aad u yaqaana siyaasadda Soomaaliya.

Afhayeenka guddigii shalay iscasilay ayaa saxaafadda u sheegay in waqtiga uu ku yaraaday ayna ka baqeen inay ku fashilmaan doorashada Koofur Galbeed, sidaasi daraadeedna ay isku casileen.

Wuxuu ku eedeeyay xildhibaanada Koofur Galbeed inay marar badan u yeereen balse ay imaan waayeen, taasi oo ah goolka koowaad ee laga dhaliyay dowladda Soomaaliya maadaama magaalada Muqdisho ay kusugan yihiin inka badan 60 xildhibaan oo seddex jeer Baydhabo laga soo qaaday.

La soco waxii kusoo Korshaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com