Xog: Baarlamanka Koonfur Galbeed oo la kala dirayo & doorashadii oo baaqatay

Baydhabo (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqata inay sii cakirmayso kadib markii xalay ay is-casileen xubnaha guddiga doorashada, oo ku eedeeyey dowladda federaalka inay faro-gelin ku hayso doorashada.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu ku dhawaaqi doono maantq inuu kala diray baarlamanakii Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale filayaa inuu shaaciyo in doorashadii Koonfur Galbeed, oo la waqtiyeeyey inay dhacdo 17-ka bishan aysan qabsoomi karin.

Guddoomiyaha ayaa la filayaa inuu dowladda federaalka ku eedeeyo inay faro-gelin ku hayso doorashada, islamarkaana ay xildhibaanadii maamulka gaysatay magaalada Muqdisho.Ma cadda waxa xigi doona intaas, waxaase muuqata in xaaladd Koonfur Galbeed ay isku dhex yaacday.

Guddoomiyaha guddiga doorashada, Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan.

Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed.

Xog aan helnay ayaa sheegaya in dhammaan arrimaha is xiga xiga uu ku dambeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka go’an tahay in doorashada aysan dhicin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com