Kadib Jamaal Khaashuqji, Sacuudi Carabiya oo si xun u dishay suxufi kale

Riyadh (Caasimada Online) – Qoraagii reer Sacuudi isla markaasna ahaa Wariye Turki Bin Abdul Aziz Al-Jasser ayaa dhintay kadib markii lagu jir dilay Xabsi ku yaal dalka Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska New Khaleej.

Arrintan ayaa imaneysa bil kadib markii Sacuudiga ay qirteen in suxufi Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyaddooda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Illi wareedyo Xuquuqul Insaanka u doodo ayaa sheegay in Al-Jasser la xiray isla markaasna uu jirdil u dhintay kadib markii ay dowladda Sacuudiga ku eedeysay inuu maamulayey akoonka Twitter ee Kashkool kaasoo hadda la xiray kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qoyska Boqortooyada.

Sida ay illo wareedyada xaqiijiyeen Al-Jasser ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii Maamulayey Akoonka Twitterkaa uuna ku shaqeenayey Xafiis ku yaalo Dubai.

Wariyahaan ayaa waxaa la xiray Bishii March ee sanadkaan, waxaana lasoo sheegayaa inuu u dhintay tacadi xoog leh oo loogu geystay xabsiga dhexdiisa.

Dilkaan loo geystay wariyahaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa Xilli ay weli Sacudiiga dhexda kaga jirto fadeexadii ka dhalatay dilkii dalka Turkiga loogu geystay Wariye Jamal.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa u qorsheysay dil iyo xabsi cid kasta oo ka hor timaado amaradooda, waxayna Awoodii dalkaas kusoo koobmatay Qoyska Boqortooyada.

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
Caasimada@live.com