R/W Kheyre oo shaaciyey farsamooyin cajiib ah oo wasiiradii ka horreeyay isaga ay adeegsan jireen

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galayay gabogabeynta shirka Sanad laha ee wasiiradiisa ayaa shaaciyay inay aad ula dagaalamayaan Musuq maasuqa oo Soomaaliya hoos u dhigay.

Kheyre, ayaa soo hadal qaaday talaabadii maxkamadda gobolka Banaadir ay xukunka sanadaha ah ugu riday xubno ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay talaabadaasi inay tahay mid bilow u ah la dagaalanka Musuq maasuqa.

Wuxuu sheegay in qaab walbaa oo macquul ah ay ula dagaalami doonaan musuq maasuqa oo ah dhibaatada koowaad ee Soomaaliya ka reebay dalalka kale ee caalamka.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay farsamooyin cajiib ah oo noqon kara Musuq maasuq la sameeyo, waxaana uu sheegay in wasiiradii ka horeeyay kan ugu wanaagsan si aan musuq masuqiisa loo fahmin uu sameyn jiray in dadka ku reerka ah uu ka shaqaaleysiin jiray wasaarado kale.

Dhinaca kale Xasan Cali Kheyre, ayaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, xasuusiyay hadal cajiib ahaa oo ay ku dhahday kulankoodii ugu horeeyay ee golaha wasiirada.

“Shirka golaha wasiirada markii ugu horeysay oo aan fariistay Wasiir Khadiijo, ayaa waxay tiri raiisul wasaaroow waan kula talinaayaa arimaha tirinta ciidanka iska dhaaf, arrimaha amniga iska dhaaf, mid walbaa kusoo fashilmay oo adiga kaa horeeyay, hadaan tirisaan ciidanka, waxay lamid tahay adinkoo Nuclear-kii ciraaq laga waayay kasoo helay”ayuu Yiri Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com