CC Shakuur oo shaaca ka qaaday SABABTA dhalisay kiiska NISA & Cabdirisaaq

Baydhabo (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu facebook soo dhigay uga hadlay sababta ay la hadlay in NISA ay ku qasabtay eedeymaha xasaasiga ah ee ay usoo jeedisay wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hadda ah xildhibaan.

NISA ayaa sabtidii sheegtay in la hakiyey qandaraasyo uu bixiyey wasiirka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay.

Sida ay sheegeen xubno ka tirsan NISA, oo codsaday inaan la magacaabin, qandaraaska ayaa bishii ku kacaya 300 oo kun oo dollar, wuxuuna socday muddo saddex sano, oo kasoo billaabata intii Cabdirisaaq Cumar uu ahaa wasiirka amniga Soomaaliya ilaa waqtigan, oo la hakiyey qandaraasyada.

Cabdiriaxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in arrintan ay la xiriirto baaritaan guddiga amniga baarlamanka, oo uu Cabdirisaaq xubin ka yahay, ay ku hayaan NISA iyo xaaladda amni ee dalka.

“Xildhibaan C/risaaq wuxuu xubin firfircoon ka yahay Guddiga Aminga ee Golaha Shacabka oo maalmahan ku hawlanaa diyaarinta warbixinta xaalada Amniga ee dalka, iyo sida ay hay’adaha amniga u shaqeeyaan gaar ahaan Booliska iyo NISA”

Waxa uu intaas ku daray “Dagaalka isaga iyo Maryan Cusmaan (xisaabiyaha guud) oo iyadana wasaaradda maaliyadda baaritaan ku haysay lagu qaaday waa isku ujeeddo, taasoo la doonayo in isla xisaabtanka lagu af-qabto. Waa dagaal ay wax ka ogyihiin hoggaanka sare ee dalka”

Wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, oo isna horey uga hadlay arrintan ayaa sheegay inay tahay mid siyaasadeysan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com