2 ARRIN mid oo keeni kara iscasiladii xubnaha gudiga doorashada K/Galbeed

Waxaa xalay si lama filaan ah isu casilay guddoomiyihii gudiga doorashada Koonfur Galbeed, ku xigeenkiisa iyo 12 xubnood oo kale.

Taas waxa ay lama filaan ku noqotay dhammaan daneeyeyaasha doorashada maamulkaas lagu waday in ay ka dhacdo Baydhaba 17-ka bishan Noofembar.

Hase ahaatee, waxa ay u badan tahay in ay soo de dejisay is casilaada xubnahaas labadan qodob ee hoos ku xusan.

Shariif Xassan iyo golaha iskaashiga maamul gobolleedyada oo goostay in ay dib u dhigaan doorashada

Arrintan oo ahayd mid hore loo sii saadilayey ayaa hadda noqotay mid xaqiiqo ah, maadama la fahansanaa in Golaha iskaashiga dowlad Gobolleedyada iyo Madaxweynaha maamulka ay doorashadu ka dhaceyso isku dayaan in ay baajiyaan ama dib u dhigaan si ay ugu xujeeyaan dowladda.

Iyada oo ay soo baxaayeen warar sheegaya in Madaxweynaha waqti xilleedka ka dhammaaday ee Koonfur Galbeed, Shariif Xassan Shikeh Aadan uu ka harayo doorashada ayey tallaabadan gudigu qaaday noqotay mid sheekada cakirisay! Door intee le’eg ayuu ku yeelan karaa Shariif Xassan is casilaadda xubnaha gudiga doorashada? Waa weydiin jawaabteeda aad u sahlan tahay!

Gudiga doorashada Koonfur Galbeed oo kala shakiyey

Waa sababta ugu macquulsan, waayo, warar hoose ayaa sheegaya in ay isku diideen hindise ahaa in dib loo dhigo doorashada oo ay soo jeedeen xubno taageersan Shariif Xassan Shikeh Aaadan.

Haddii laba sababood ay midda hore tahay, sheekadu waa barako ma leh iyo masiirkii Koonfur Galbeed oo ceel ku sii dhacayo maadama arintu u ekaan doonto dagaalkii Dowlada dhexe iyo Maamul Gobolleedyada oo waji kale oo qaab daran yeeshay.

Hase ahaatee, haddii ay midda dambe tahay, xallinta mushaakilka ka dhalan kara is casilaadda xubnaha gudiga doorashada K/Galbeed waa mid dhaw oo la xallin karo, waayo, waxaa go’aankeeda door ku yeelan doona musharixiinta loolanka u dhexeeyo.

W/Q: Xuseen Cabdullahi Aadan
Baydhaba, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid