Yariisow fusard ma siiyey dadka rayidka ee Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amaro is daba joogo kusoo rogay shacabka degan xarumaha dowladda iyadoo aan la siinin fursad ay kaga guuri karaan goobaha ay degen yihiin.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in muddo labo todobaad ah ay heystaan dadka degan dhismayaasha wasaaradda arrimaha gudaha iyo xarunta wasaaradda waxbarashada.

Dadka ayaa qaarkood waxay dhismayaasha degenaayeen waxii ka dambeeyay burburkii dalka, waxaana ay sheegeen inay ku yar tahay fursadda ay heystaan inay kaga guuraan dhismayaasha.

Qaar kamid ah dadka degen dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in waqtiga uu ku yar yahay, maadaama loo baahan yahay inay raadiyaan goobo ay kireystaan ama dadkooda inay la dagaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inay doonayaan inay soo celiyaan dhismayaasha Danta Guud oo dadweyne badan ay deegaan sadeen sanadihii ugu dambeeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u dhis lagu sameyn doono xarumo badan oo dowladda ay lahaan jirtay, iyadoo lagu dhisayo mashruuca Is-xilqaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com