Maxaa ka dhashay xiisada siyaasadeed ee ku soo korortay Koofur Galbeed?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan ayaa xilka ka qaaday wasiiru dowlaha Dhalinyarada iyo ciyaaraha Koofur Galbeed oo labo habeen ka hor ka mid ahaa xildhibaano la kulmay Xasan Cali Kheyre.

Shariif Xasan, ayaa ku eedeeyay wasiiru dowlaha arimo la xiriira Musuq iyo Anshax xumo, laakiin Warar Caasimada ay heshay ayaa sheegaya in xilka looga qaaday inuu hogaaminayay xildhibaanada Muqdisho ku sugan.

Abba Awoow Suufi, Wasiiru dowlaha xilka laga qaaday ayaa ka jawaabay eedeymaha loo jeediyay, wuxuuna sheegay inuusan aqbal saneyn xilka ka qaadista lagu sameeyay, isaga oo sheegay in Shariif Xasan oo waqtigiisa uu dhamaaday in xil uusan ka qaadi karin.

Wasiiro dowlaha ayaa sheegay in marnaba uusan aqbaleyn xil ka qaadista lagu sameeyay , maadaama sida uu sheegay Shariif Xasan uusan awood u laheyn inuu xilka ka qaado.

“Nin waqtigiisa dhamaaday ayaa xil kaa qaadayaa dhahayo , Facebook ayaa xil kaaga qaadayna wax soconaya maaha, waxaan ku dhihi lahaa walaalkeyoow halkaan wadaag ayaa lagu joogaa” ayuu yiri Abbow.

Xiisad cusub ayaa kusoo korortay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxii ka dambeeyay markii shalay ay iscasileen xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com