Xubnaha Aqalka Sare ee K/Galbeed oo ka hadlay is-casilaadda guddiga iyo xaalka doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare ku  matala Koofur Galbeed ayaa ka hadlay iscasilaada ay shalay ilaa xalay ku dhawaaqeen 15 xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Senetar Ilyaas Cali Xasan ayaa nasiib daro ku tilmaamay iscasilaada guddiga doorashada Koofur Galbeed, isaga oo sheegay in waqti xasaasi ah ay ku dhawaaqeen iscasilaadooda xubnaha guddiga.

Wuxuu sheegay in shacabka Koofur Galbeed looga baahan yahay inay gacmaha isqabsadeen oo aayahooda ay ka tashadaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa nasiib daro Aad iyo Aad uweyn Is Casilaadi Gudoomiyaha iyo Xubnaha Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed Somalia, waxaana rajeynaayaa dadka KG iney gacmaha is qabsadaan xaalada taagana loo wada istaago sidii loo xalin lahaa”ayuu yiri Ilyaas Cali Xasan.

Xaalad gashay mowjad kale ayaa ka taagan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, waxaana arintaan la aaminsan yahay inuu ka dambeeyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo culees ka dareemaya doorashada Koofur Galbeed.

Xildhibaanada ugu badan ee Koofur Galbeed ayaa ku sugan magaaada Muqdisho, waana sababta ka dambeysay xiisadda cusub ee siyaasadeed ee kaso korortay doorashooda Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com