Xog: Is-casilaadda gudiga doorashada K/Galbeed iyo qorshaha cajiibka ah ee uu dejiyey Shariif Xasan

Baydhabo (Caasimada Online) – Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa is-casilaadda ay ku dhawaaqeen guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka, iyo inta badan xubnaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed, oo galabta is-casialy.

Xubnaha is-casilay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada iyo guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koonfur Galbeed Mahad Maxamed Ciise.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in arrintan ay tahay xeelad siyaasadeed oo cajiib ah, oo uu dejiyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo doonaya in doorashada aysan dhicin.

Caasimada Online ayaa goor hore oo maanta ah shaaca ka qaadday xog ku saabsan in Shariif Xasan uu ku dhawaaqayo in doorashada uu ka harayo, waxaana is-casilaadda xubnaha guddiga ay qeyb ka tahay qorshahaas.

Qorshaha Shariif Xasan ayaa ah inuu sabab ka dhigto is-casilaadda guddiga, sidaasna uu doorashada ku baajiyo, isaga oo dowladda federaalka eeda dusha u saari doona

Guddomiyaha is casilay ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna galabta isku dayey inuu Guddiga doorashada ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo, balse waxaa ka hor yimid fikirkaas illaa 15 kamid ah Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ku adkeystay inay doorashada dhicid doonto waqtiga loo qabtay.

Kadib markii lagu gacan seeray qorshaha dib u dhigidda doorashada, ayaa Shariif Xasan iyo guddoomiyaha guddiga waxay isla dejiyeen qorshe ah in Shariifka aanu doorashada ka harin, balse taa beddelkeed guddiga is-casilaan, oo Shariifka arrinta banaanka ka taagnaado.

Si kastaba, waxaa xaqiiq ah in dowladda federalka ay faro-gelin cad ku hayso doorashada, ayna dooneyso in Shariif Xasan meesha laga saaro, taasi oo Shariifka siisay fursad iyo cudurdaar uu xukunka usii haysto.

Hoos ka dhageyso guddiga oo ka hadlay sababtii ay isku casileen

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com