Maxay isku casileen gudiga doorashada K/Galbeed?

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa caawa Baydhabo isku casilay guddigii doorashada ee tartanka madaxtinnimada dowlad goboleedka koonfur galbeed, oo ay ku jiraan guddoomiyaha, ku xigeenka, xoghayaha iyo afhayeenka guddiga.

Xubnha qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dowladda dhexe ay faragelisay arrimaha doorashada, isla markaana carqaladeysay habsami u socodka qabsoomiyadda howlaha doorashada.

Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, afhayeenka guddiga Amin iyo xubno badan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan.

Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay xukuumadda Kheyre ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaannada koonfur galbeed uu u yeeray guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, arrintan oo wadatashi lagu sheegay ayaan laga heyn faahfaahin dheeraad ah, taasi oo caawa sabab u noqotay inay guddigii doorashada iscasilaan.

Xog aan helnay ayaa sheegaya in arrinta is-casilaadda uu ku dambeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka go’an tahay in doorashada aysan dhicin.

Hoos ka dhageyso xubnaha guddiga oo ka hadlaya sababta ay isku casileen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com