Guddiga doorashada K/G oo badankood is-casilay

Baydhabo (Caasimada Online) – Inta badan xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay is-casileen, taasi oo jahwareer ku tuureysa doorashada la qorsheeyey inay 17-ka bishan ka dhacdo magaalada Baydhaba.

Xubnaha is-casilay ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, oo ahaa Guddoomyihii Guddiga Doorashada ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay faragelin ku heyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo ku dhawaaqay inuu is-casilay guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada Koofur Galbeed Mahad Maxamed Ciise.

Warar ka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan guddiga doorashada oo gaaraya 11 xubnood saxaafada kula hadlay magaalada Baydhabo ay shaaciyeen inay iska casileen xilka xubinimada Guddiga doorashada Koofur Galbeed.

Is-casilaada Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa iyo xubnaha kale, oo aheyd mid kadis ah ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay kadib markii ay soo baxeyn warar sheegayo inuu Shariif Xasan is casili rabo.

Guddoomiyihii Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ee Maanta is casilay Carfo Ibraahim Aadan ayaa Maanta waxa uu shahaadooyinka musharaxnimo guddoonsiiyay ilaa Saddex musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Guddomiyaha is casilay ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna galabta isku dayey inuu Guddiga doorashada ka dhaadhiciyo in dib loo dhigo, balse waxaa ka hor yimid fikirkaas illaa 15 kamid ah Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ku adkeystay inay doorashada dhicid doonto waqtiga loo qabtay.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa isha lagu wada hayaa maadaama 12 maalin ay ka dhiman tahay waqtiga lagu balamay inay dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com