Afar arrimood oo Shariif Xasan ku qasbi kara inuu ka haro doorashada K/G

Waxaa soo xoogeysanaya wararka sheegaya inuu Shariif Xasan Sheekh Aadan ka hari doono doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Warkaan oo guuxiisu uu saacado ka hor bilaawday ayaan la ogeyn sida uu dhab u yahay.

Balse waxaan dib u eegeynaa culeesyada heysta Shariif Xasan ee ku qasbi kara inuu ka haro doorashada, oo uu ku jiray dadka loo badinaayo iney kusoo baxaan.

1-Shacabka

Shacabka Koonfur Galbeed ee ku sugan dalka iyo dibbada ayaa si baaxadleh u muujiyay diidmo ku aadan inuu Shariifka dib usoo laabto, waxey ku eedeyeen inuu maamulkii fadhiid ka dhigay deegaanka, waxaana ay dalbadeen isbadal.

2-Imaarate-ka

Shariif Xasan waxaa uu sugayaay in lasoo gaarsiiyo lacag ka imaneysay Imaarate-ka oo uu rabay inuu doorashada ku galo, lacagtaas waxaa soo qaadi lahaa Cumar Cabdirashiid iyo Jurrile laakiin waa la waayay, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Villa Soomaaliya iyo imaaradku ay is fahmeen.

3-Dowlada dhexe

Shariif Xasan ayaa dareemay culees xoogan oo kaga yimmid Dowlada dhexe ee Soomaaliya, taas oo gadaal ka taagan labo musharax oo xoogan, waxaa xildhibaanadii Koonfur Galbeed intoodii badneyd ay joogaan Xamar taas oo ka dhigan in si walbaba aaney Shariif dooran doonin. Villa Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in Shariif Xasan meesha laga saaro.

4- Musharaxiinta isbadal doonka ah

Sida lagu yaqaano siyaasada Soomaaliya, mar walba musharaxiinta isbadal doonka ah waa iska hadaf, waxaana ay ka siman yihiin in laga adkaado qofka xilka haya. Shariif waxaa uu dareemaya inuu kaligiis yahay ayna adag tahay inuu soo laabto.

Afartaan arrimood ayaa loo sababeyn karaa hadii uu Shariif Xasan ka tanaasulo doorashada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed.

W/Q: Xuseen Cabdullahi Aadan
Baydhaba, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid