Warar sheegaya in Shariif Xasan uu ka haray tartanka doorashada K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Warar aad isu soo taraya oo nasoo gaaraya, ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka harayo tartanka doorashada madaxweynaha ee dhacaya 17-ka bishan November.

Shariif Xasan ayaa la xaqiijiyey inuusan guddiga doorashada maamulka u gudbin warqadihiisa is-diiwaan gelinta maanta, xilli shahaadooyinka la siiyey musharaxiin ay ka mid yihiin Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta-gareen.

Sida ay wararku sheegayaan, Shariif Xasan ayaa la filayaa inuu go’aankiisa ku dhawaaqo galabta ama berri.

Xafiiska Shariif Xasan oo aan la xiriirnay ayaa diiday inay xaqiijiyaan ama beeniyaan warkan, waxayna sheegeenin laga war-sugo go’aankiisa, islamarkaana uu isaga ku dhawaaqi doono inuu musharax yahay iyo in kale.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta ku kalifaysa Shariif Xasan go’aanka noocan ah, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu heshiis hoose la galay dowladda federaalka Soomaaliya, oo taageereysa musharax Cabdicasiis Lafta-gareen.

Xubno ku dhow Shariifka, oo aan la xiriirnay ayaa diiday inay qiraan warkan, balse waxay sheegeen in xildhibaanadii Koonfur Galbeed ay dowladda ku haysato Muqdisho, taasina ay go’aanka noocan ah ku kalifi karto inuu qaato Shariif Xasan.

Ilaa lix xubnood oo ku dhow Shariifka oo aan la hadalnay ayaa waxaa ka muuqatay in warkan uu jiro, balse aysan dooneyn inay xaqiijiyaan, ka hor inta uusan Shariifka hadlin.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, waan idinla soo socod siin doonaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com