Kheyre, Shariif, Gaas, iyo madax hore oo ka hortimid qorshe ay damacsan tahay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin caan ah ayaa waxaa looga soo horjeestay qorshaha muddo kororsiga ee ay waddo dowladda federaalka, kaas oo la horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxda bayaanka soo saartay ayaa kala ah madaxweynihii hore ee dowladda KMG aheyd, Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Khayre, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid Cali iyo siyaasiga caanka ah Cabduqaadir Cosoble Cali.

Siyaasiyiintan ayaa ka digay muddo kordhinta halka sano ah ee loo sameynayo hay’adaha dowladda, taas oo ay haatan wadaan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka dalka.

Sidoo kale waxa ay sharci ku tilmaameen qaadista tallaabadan oo ay xuseen inay ka hor imaaneyso Dastuurka KMG ah ee u yaalla dalka.

“Muddo kordhintan sharci darrada ah waxay si toos ah uga hor imaaneysaa qodobka 60aad ee Dastuurka, farqaddiisa (1aad) oo qeexeysa in muddada xilhaynta Baarlamaanku yahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo” ayaa lagu yiri bayaanka madaxda.

Waxa kale oo lagu yiri “Sidoo kale waxay ka hor imaaneysaa qodobka 91aad oo si cad u qeexaya in muddada xilhaynta Madaxweynuhu tahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo”.

Sidoo kale madaxdii hore ee dalka ayaa bayaankan ku sheegay in aysan jirin baahi taagan oo loo qabo in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin.

“Baahi hadda taagan oo loo qabo ma jirto in wax ka beddal Dastuur oo ujeedadiisu tahay muddo kororsi la sameeyo, maadaama guddiga dib u eegista Dastuurku ay ku guda jiraan sidii ay u qabyo tiri lahaayeen Dastuurka qabyada ahm” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn waxa ay farriin u direen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka codsaday inuu wax ka qabto arrintaan oo ay tilmaameen inay horseedi karto dib u dhac.