Ujeedka shir xasaasi ah oo Kismaayo uga furmay DF iyo maamullada + Sawirro

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa maanta si rasmi ah uga furmay shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Shirkan oo u furmay taliyayaasha Booliska dowlad-goboleedyada dalka iyo taliska guud ee Booliska federaalka Soomaaliya ayaa waxa si wada-jira u furay madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Jubbaland, Wasaaru-dowlaha wasaaradda amniga iyo taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirkaas oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa looga hadli doonaa heerarka kala duwan ee booliska dowlad-goboleedyada iyo kan federaalka ay ka wada shaqeeyaan, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay furitaanka shirkaan.

Inta uu socdo shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saari doona hormarinta tababarada ciidanka iyo sidii loo mideyn lahaa aqoonta booliska heerarkiisa kala duwan ee heer federaalka iyo heer dowlad goboleed.

Shirkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka ay ka socdaan howl-galo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan gacantooda ku jiray.

Booliska ayaa qeyb ka ah qorshaha xasillinta deegaanada ay qabteen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee wada gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhawaan unbay aheyd markii uu madaxweyne Xasan Sheekh safar ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Jubbaland, si loo dardar-geliyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweynaha u booqday deegaanada la xoreeyay ee HirShabelle iyo Galmudug.