25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Magacyada madax ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal qorsheysan

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Laba ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howl-gal qorsheysan oo ciidamada Macawiisleyda gobolka Shabeellaha Dhexe ay fuliyeen deegaanka Guulane.

Horjoogayaashan oo sidoo kale lala dilay xubno ka tirsanaa ilaaladooda ayaa la beegsadau galinkii dambe ee shalay, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hoggaanka ciidamada deegaanka.

Horjoogayaasha ayaa lagu kala magacaabay Cali Abuukar Maxamed Saaqle oo loo yaqaanay Cali Xabad iyo Maxamed Caddow Ciise.

Taliyaha Macawiisleyda ee aagga Guulane, Axmed Dhagey Xuurshow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howl-galka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana lagu guuleystay in la dilo xubno muhiim u ahaa kooxda.

“Labadan horjooge waxay door weyn ku lahaayeen hagista weerarada Khawaarijta ee ka dhaca gobolka. Dhagartoodii maanta ayaan soo afjarney,” ayuu yiri Taliye Axmed Dhagey.

Sidoo kale wuxuu xusay in howl-gallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogeyaasha Al-Shabaab ay sii socon doonaan, ilaa laga ciribtiro kooxda guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Geesiyaasha is-garabsanaya ee ku jira dagaalka ayaa howl-gallo culus ka wada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo jab lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, sid ay sheegtay dowladda.

Inta ay socdeen howl-galladan waxaa lagu dilay horjoogayaal sar sare oo uu kamid yahay Nuur Cabdi Rooble Nuunuule oo sidoo kale ahaa nin halis badan oo ka qayb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna qayb weyn ku lahaa abaabulka kooxda ka waddo Shabeellaha Dhexe oo kooxda ka qabsatay deegaanno dhowr ah.

- Advertisement -

Read more

Local News