Madax qeyb ka ah caleemo-saarka madaxweyne Xasan oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya soo gaaray wafuud ka socda dalalka caalamka, kuwaasi oo ka qeyb-galaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafuudda ayaa waxa si gooni-gooni ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ugu dhaweeyen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna ka kala imaanayaan dalalka dariska iyo kuwa kale.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa la filaya in magaalada Muqdisho maalinta Khamiista ee 9-ka bishaan in lagu qabto xaflada caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ay kasoo qeyb-gali doonaan madax badan oo ka kala yimid wadamada cilaaqadka wanaagsan naga dhaxeeyo.

Dhinaca kale, waxaa maanta qabsoomay kulan uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, kaasi oo looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Amniga Caasimada maalinta caleemo-saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa kasoo qeyb-galay Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta caleemo-saarka madaxweynaha, ayaga oo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in dulqaad iyo adkeysi ay muujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo heyso, maadama ay dhici karto in culesyo dhanka amniga ah laga dareemo munaasibadaas.