Cumar Filish oo shacabka u diray codsi ku aadan caleemo-saarka XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida amniga caasimada maalinta caleema aarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiirka wasaarada amniga DFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabadsugida, dhamaan saraakiisha saldhigyada iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis, maalintaasi oo ay dhici doonto caleema saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, bulshada Caasimadda ayaa laga codsaday in ay dulqaad iyo adkeysi muujiyaan labada maalin ee foodda nagu soo heyso oo xoogga la saari doono amniga maadama ay caasimadda marti gelineyso xafladda caleemka saarka oo ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay inay suuragal tahay inay dhacdo culeesyo danka amniga ah labada maalin ee soo socota.

Sida ay sheegeyso xogta ay heshay caasimadda Online, saraakiiha amniga ayaa qorsheenaya in la xiro qeybo badan oo muhiim ah oo ka tirsan jidadka Muqdisho taasoo ay suuragal tahay in xataa loo diido dadka shacabka ah.

Qeybo kamid ah jidadka Muqdisho ayaa Maanta la xiray iyadoo xataa loo diiday inay dadka shacabka ah maraan, waxaana sababta lagu sheegay madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tagayey xarunta wasaaradda Gaashaaadhigga oo ku taal jidka Warshadaha.