28.9 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Madaxa howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya oo la magacaabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington DC (Caasimada Online) – Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa war qoraal ah oo ay maanta soo saartay waxa ay shaaca kaga qaaday ninka madaxda ka noqon doona howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxa ay qoraalka ku sheegtay in Ambassador Yamamoto  uu noqonayo Madaxa Howgalkooda Soomaaliya isagoo lagu badalay Ambassador Kaeuper oo isna shaqada soo galay dhamaadkii sanadkii hore.

Yamamoto waxaa uu heystaa ilaa 30 sano oo khibrad ah, waxaa uu horay u soo noqday Safiirka Mareykanka ee Wadamada Itoobiya(2006-2009) iyo Djaburi 2000-2003dii.

Yamamoto waxaa uu diblomaasiyadda soo galay 1980-kii, waxaa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay safaaradda Mareykanka ee Beijing.

Waxaa uu ka qalinjabiyay Columbia College iyo  Columbia University,  waxaa uu helay  shahaadada master-ka  ee xiriirka caalamiga ah, waxaa uu sidoo kale bartay luqdaha  Chinese, Japanese, Arabic iyo French.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News