26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog iyo Gorfeyn: Qabiil afduubaya qabiil kale miyaa qaran ah?!!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ka hor Xiligii uusan gumaystihii ingiriiska imaan dalka soomaaliya, soomalidu waxay ahayd dad dhaqan ahaan u qaybsan qabiilo oo ay majaraha u hayaan madax dhaqameed tusaale ahaan garaad, ugaas, suldaan, imaam iyo caaqil kuwaas oo dibad iyo gudaba maamulayey bulshada rayidka ah sidoo kale xukumayey dhamaan qilaafaadka qabiil (maxkamad dhaqameed). Intii lagu duda jiray xiligii gumaystaha wuxuu aqoonsaday qabiil kasta iyo xuduudihiisa isagoo mid kasta ka maamuli jiray gudaha iyo dibadaba isagoo u maraya madax dhaqameed kooda una fiirinaya qabiil kasta iyo heshiiska uu la galay.

Xiligii gumaystihii sidoo kale qabiilada waqooyi qaar ayaa markasta kasoo horjeeday in ay la midoobaan walalahooda koonfureed lkn waxaa cadaadis xoogan kaga yimi qaar ka mida qabiilka waqooyiga oo iyagu rabay inay la midoobaan walalahooda koonfureed markastana u taagnaa inay ilaaliyaan midnimada soomaliya hadana wali utaagan waxaana filayaa inay taariikhdu xusi doonto waxaana ka xusi karaa dadka dega gobolada Sool, Sanaag iyo Boorame kuwaas oo ugu dambayntii ku guulaystay inay mideeyaan soomaalida waqooyi iyo koonfur. Laga soo bilaabo sanadkii wakhtigii xornimada qabiil ayaa wuxuu isku deyayaa inuu afduubo qabiil taasi waata maanta ka jirta gobolada waqooyi taasi ah qabiil afduubaya qabiiloyin kale si uu isugu magacaabo qaran oo ictiraaf aan gadmayn dunida inteeda kalex ugaga raadsado.

Maamulka la magac baxay soomaliland maanta dhibta uu ku hayo gobolada Sool, Sanaag, Boorame iyo degmada Buuhoodle waa mid aan dunida inteeda kale daah ka saarnayn waxaana lagu sifayn karaa isir neceyb iyo xasuuq lagula kacayo bulshada ku nool goboladaas taasi oo noqon doonta mid dhibaato badan u horseeda, waxaan leeyahy QABIIL QARAN MA NOQDO,

Waxaana dhici doonta iskadaa ictiraaf ay helaan maamulka soomaliland la baxaye waxaa lagula xisaabtami doonaa caruuraha iyo dadka rayidka oo ay maalin kasta xasuuqayaan taasi oo ay ugu dambaysay tii ka dhacday magaalada laascaanood 18\5\2016.

Waxaan leeyahy bulshada caalamku waa idin fiirsanayaan waxaad ku kacaysaa waxaana imaan doonta xili la idinkula xisaabtamo oo maxkad la idinku soo taago masuuliyadeedana aah madax saaran doontaan. Sidaad ogtihiin maamulka soomaaliland wuxuu ku sifoobey musuqmaasuq, boob, cadaalad daro, caburin, barakicin iyo caga juglayn joogtaa oo uu ku hayo dadka ku nool gobolada aan xusay. Su´aasha is waydiinta mudan waxay tahy xagee taalaa nabada iyo dimuqraadiyada ay sheeganayaan maamulka soomaaliland?

Xaqiiqadu isma qariso taariikhduna iyadaa is qorta ee cidi ma qorto. Bulshada ku hoos nool maamulka soomaliland aqoonyahanada, culimada iyo waxgaradka waxaan ugu baaqayaa inay ka dhiidhiyaan dhibaataynta rayidka lagu hayo maalinkasta, maamulka soomaliland ee ku caanbaxay dagaalka iyo caburinta waxaan leeyahy ka waantooba dhibaataynta shacabka soomaaliyeed ee ku hoos nool calanka buluuga ah ee xidigtu beerka kaga taal. Shacabka Sool, Sanaag, Boorame iyo degmada buuhoodle waxaan leeyahy ku dhinta midnimada iyo gobanimada hana ka yeelina in soomaaliya la kala jaro awalba idinka ayaa sabab u ahaa xornimadii soomaliya hadana sabab unoqda midowga umada soomaaliyeed taariikhda ayaa idin xusi doonta guulaysta.

W/Q: Burhan Aden Ahmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News