Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia lagu soo afmeeray shirka madeexeedkii 29-aad ee ururka Midowga Afrika.
Shirka ayaa waxaa ka qeybgalaayay Madaxda dowladaha Africa ee ku mideysan ururka Midowga Afrika, waxaana diirada lagu saarayay arrimo dhowr ah.
Go’aamada laga soo saaray shirka ayaa waxaa kamid ahaa in si wada jira Taalo taariikhi ah loogu dhiso Haileselasse iyo Ra’isul wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi.
Mas’uuliyiinta shirka qeybta ka ahaa waxa ay sheegen in Haileselasse iyo Meles Zenawi ay taariikh ku dhex lahaayen Africa, sidaa daraadeedna ay muhiim tahay in loo dhiso taalooyin lagu xasuusan doono.
Waxa ay Madaxda Afrika xuseen in Haileselaase uu kaalin ku lahaa dhidiba u aasida ururka Midowga Afrika halka Meles Zenawi uu qadiyada qaarada Africa gaarsiiyay meel fog.
Fekerka dhismaha taalada ayaa waxaa lahaa Ra’isul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn oo isagu sheegay in shacabka dalkiisa ay ahmiyad u arkaan in loo qiimeeyo labada halgamaa.
Sidoo kale, Hailemariam Desalegn ayaa ka shanqariyay in Meles Zenawi markii uu ahaa Ra’isul wasaaraha Ethiopia uu diiday in taalo lagu maamuusayo Haileselaasse laga taago xaruntii ururka Midowga Afrika.
Dhinaca kale, waxaa dhismaha taalada soo dhaweeyay madaxda ururka Midowga Afrika ee qeybta ka ahaa shirka kusoo xirmay Addis Ababa.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

