Madaxda Ahlu-Sunna oo kulan xasaasi ah ka leh tallaabadii ay qaaday DF

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayan in halkaasi uu ka socdo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya hoggaanka Ahlu-Sunna, kadib markii ciidamo ay gaysay dowladda ay qabsadeen xarumaha muhiimka ah ee magaalada.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galaya Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Ashcari, Macalin Maxamuud Shiikh Xasan Faarax iyo madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa in kulanka intiisa badan looga hadlayo amniga guud ee magalada Dhuusamareeb iyo waxa laga yeelayo ciidamada dowladda Soomaaliya ay maanta geysay halkaas, iyada oo hoggaanka Ahlu-Sunna ay walaac ka muujinayaan ciidamadaas.

Wararka ayaa intaasi ku daray in hogaanka Ahlu-Sunna xarumaha ay degan yihiin magaaladda Dhuusamareeb lagu kordhiyay ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaalka si ay u xaqiijiyaan amaankooda maadaama ay shaki badan ka muujiyeen ciidanka dowladda Soomaaliya ay gaysay magaaladda Dhuusamareeb.

Ammaanka magaaladda ayaa waxaa gacanta ku haya ciidanka isku dhafka ah ee horay gacanta ugu haayay amaanka magaaladda Dhuusamareeb.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ee maanta magaaladda Dhuusamareeb gaaray ayaa ku sugan xarinta madaxtooyadda magaaladda Dhuusamareeb, xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug iyo gurigga uu Dhuusamareeb ka daganyahey taliyaha guutada 15 aad ee qaybta 21 aad  ee ciidanka xoogga dalka Jeneral Mascuud Maxamed Warsame.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com