Sawirro: Qarax lagu dilay mas’uul hore oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhashay gaari nooca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray walxaha qarxa.

Gaariga ayaa qarxay, xilli uu ku jiray saf lagu baarayey gaddiidka aada dhanka garoonka Aadan Cadde, sida ay Caasimada Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigaasi uu watay xoghayihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud oo loo yaqaanay (Amiin), kaas oo la sheegay in uu ku dhintay qaraxaasi.

Amiin ayaa la soo shaqeeyey maamulladii gududdoomiyeyaasha Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ciidamada ammaanka ee ku sugnaa goobta ayaa muddo kooban xiray dhaq dhaqaaqa, iyagoona markii dambe meydka ka qaaday hakaasi.

Waa qaraxii labaad ee isla maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho, iyadoona saaka qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo marayey agagaarka Carwadii hore ee Taleex degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com