Golaha Wadatashiga oo ku adkeystay arrin ay diiday P/L

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa la soo gaba-gabeeyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday magaalada Baydhaba, kaasi oo go’aan looga gaaray qorshaha ay Soomaaliya ku dalbaneyso deyn cusub oo balaayiin dollar ah.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isla gartay in qorshaha deynta cusub looga qaadanayo dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah lagu saleeyo mashaariic isbixin kara si dib loogu gudo deyntaasi, taasi oo ay si adag uga hortimid maamulka Puntland.

“Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Baydhabo ee DF iyo dowlad-goboleedyada.

Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in la qaato mabaadi’da Federaaleynta Maaliyadda oo ka kooban laba qoddob oo kala ah; astaynta iyo cayimidda ilaha dakhliga iyo wadaagga dakhliga.

“Golaha ayaa waxa uu ku heshiiyay in la unko laba hey’adood oo kala madax-bannaan oo aan looga maarmin hannaanka federaalaynta maaliyadda oo kala noqonaya; hay’adda dakhliga Qaranka, guddiga goondeynta iyo dardar-gelinta dakhliga.”

Waxa kale oo lagu yiri war-murtiyeedka “Golaha wuxuu isla qaatay jadwal qeexaya sida mas’uuliyadda dejinta siyaasadda canshuuraha u kala leeyihiin Dowladda Federaalka iyo DXDF.”

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ugu dambeyntiina qalinka ku duugay in lagu sii dhaqmo heshiiyadii iyo is-afgardyadii hore ee daadajinta maaliyadda dalka inta laga hawl-galinayo dhisidda labada hay’dood ee kor ku xusan.’

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa dhawaan si adag uga hortimid qorshaha ay dowladda federaalka ku doonayso in deymo cusub uga qaadato dalalka deeqaha bixiya iyo hay’addaha caalamiga ah.

Wasiirka Qorsheynta Puntland oo ka hadlay shirweynaha Kaabayaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga Puntland ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay warqad u diri doonto deyn bixiyaasha caalamka si ay uga hortagto arrintaasi.

“Deynta la sheegayo in la cafinayo (Soomaaliya) wax Puntland kasoo gaaray majirto, dhamaantood Koonfur ayay aheyd. Hadda deyntii in la cafiyo oo deyn cusub la qaato ayaa la rabaa, deynta cusub yaa lagu qaadanaya? anaga ayaa nalagu qaadanaya, noomana yimaadan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waa diidnay in aan qeyb ka noqono waa kasoo horjeedna in deynta Soomaaliya laga cafiyo sida ay hadda tahay, waana diidanahay in magaceena (Soomaaliya) lagu qaato deyn cusub anaga oo waxba ogeyn oo masaakiin ah, waa kasoo horjeedna dowlad ahaan.”

Arrintaan ayaa imanaysa xilli uu si habsami leh u socdo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, islamarkaana la qorsheynayo in dowladda ay qaadato deyn boqolaal bilyan oo dollar ah.