Madaxda hay’adda culimada oo jawaab ka bixiyey hadalkii Sheekh Soomow uu ku weeraray Umal

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii maanta ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sheekh Soomow ayaa ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan kala tashan jeedinta hadalkaas, isla markaana aysan ku raacsanayn, isagoo Sheekh Soomow ku eedeeyay in hadii uu wax ka tabanayo Umal ay aheyd inuu la wadaago culumada kale ee kala tirsan hey’adda.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inay muhiim tahay ka qeyb galka Muxaadarada uu Sheekh Umal balan qaaday inuu barri ku qabanayo Garoonka Eng.Yariisow ee magaalada Muqdisho, waxuuna carabka ku adkeeyay inay tahay mid loo baahi qabay Sheekhana ay uga mahadcelinayaan.

Sidoo kale Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in hadalkii Sheekh Soomow ay ka xumaadeen, si gaar ahna uu ula xariiray Sheekh Soomow isagoo ka dalbaday inuu ka laabto hadalkiisii hadii uusan soo bandhigi karin cadeymo, balse Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in Sheikh Soomow uu ku damiyay talefanka.

Culumada ayaa shirkooda jaraa’id ka cadeeyay inay raali galin u dirayaan Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ay ku sheegeen inuusan dalka u imaan dalxiis, balse uu u yimid taakuuleynta dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Culumada ayaa si gaar ah ugu amaanay Sheekh Umal taakuleyn uu muddo labo goor ah dalka keenay xilliyo ay musiibooyin ka dheceen, waxayna kala yihiin qaraxii Soobe iyo fatahaadii dhacday xilli roobaadkaan lagu jiro ee Deyrta.

Ugu dambeyntii Sheekh Cali Wajiis ayaa Sheekh Soomow ku eedeeyay inuu ku xad gudbay dhaqanka Soomaalida iyo kan culumaa’udiinka Soomaaliyeed, isagoo ka dalbaday inuu ka laabto hadalkiisii, kaan  raali galiyo Sheikh Umal inta uu joogo dalka, waxuuna Sheikh Cali rajo ka muujiyay inuu Sheikh Soomow qaada doono taladooda iyo soo jeedintooda, maadaama sida uu sheegay aqoon badan uu uleeyahay.

Halkaan ka Daawo Sheekh Bashiir