Fiqi: Nooca xabadda lagu dilay Almaas Elman, laba koox kaliya ayaa ku haysta magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal kooban soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada waxa uu ku sheegay in xabaddii lagu dilay Almaas Elman Cali ay tahay mid dhashiike, isla markaan ay magaalada ku heystaan oo kaliya AMISOM iyo ciidanka Dowladda.

Almaas Elman Cali Axmed ayaa galinkii dambe ee shalay lagu dhex dilay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo lagu tiriyo goobaha amaankooda sida aadkaa loo ilaaliyo, waxaana ilaa hadda la cadeyn cida dishay Almas, wallow la sheegay inay baaritaano socdaan.

“Xabad aan sharqanteeda agagaarka laga maqal ayaa dishey marxuumad Almaas Elman AUN, laakin waxaa la wada og-yahay qoriga dhashiikaha ah ee xabadiisu ay dishey gabadha waxaa magaalada MUQDISHO ku heysta oo kaliya ciidamada dawladda ka amarqaata iyo AMISOM” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale qormadiisa ku adkeeyay in madaxda qaranka si aan leex-leexad laheyn looga doonayo inay u cadeyso cidii geysatay dilkii marxuum Almas, isagoo ka dalbaday in shacabka loo soo bandhigo natiijo ay ku qanci karaan, kadib baaritaanka lagu sameeyay arintaas.

“Haddaba waxaan ayadoon ka leexleexasho laheyn looga fadhiyaa Madaxda Villa Somalia In ciddii dambigaas geysatay sharciga la soo hortaago, ehelada marxuumadda iyo umadda Soomaaliyeedna lala hor yimaado baarista la sheegay in la samaynayo ka dib wax macquul ah oo lagu qanci karo” ayuu yiri Fiqi oo si weyn u mucaarada xukuumadda hadda talisa.