Axmed Madoobe: Intan ka badan lagama aamusnaan karo arrinta ka taagan Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa markii ugu horreysay maanta ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, halkaasi oo inta badan ay ciidamadiisii ku biireen dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo ka hadlay shirkii golaha wasiirada Jublanad ee maanta ayaa sheegat in xaaladda kasoo cusboonaatay Gedi “aan intaas ka badan laga sii aamusnaan karin go’aan rasmi ahna Jubbaland ka qaadaneyso waxa halkaas ka socda”

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu magacaabi doono guddi si faahfaahsan ugasoo warbixiya xaalada gobolka Gedo.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imanaya ayada oo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu ku sugan yahay Ceel-waaq Kenya islamarkaana uu ku guuleysan la’yahay inuu galo gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa in uu soo galo gudaha Soomaaliya gaar ahaan Ceel-waaq waxaa u diiday dadka degaanka oo u diyaar garoobay Banaanbax iyo ciidamo ka tirsan kuwa amaanka oo dhawaan sheegay in ay ku biireen Ciidamada Soomaaliya halka markii hore ay ka amar qaadan jireen Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa myddo todobaad ah ku sugan Kenya waxa uuna raadinayaa in uu tago degmooyinka Ceel-waaq, Luuq iyo Doolow balse waa arin aad u adag sida ay soo sheegayaan odayaasha degaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ayadoo gacan ka heleysa Itoobiya ay lasoo wareegto inta badan ciidamadii Jubaland ee ku gobolka Gedo, taasi oo caqabad ku noqotay maamulka Jubaland oo hadda u muuqda inuu lumiyey gobolka Gedo.