Somaliland oo go’aan ka soo saartay siyaasiyiinta iyo dhalinyarada u safra Xamar

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadashay Siyaasiyiinta iyo dhalinyarada reer Somaliland ee u safra caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Somaliland ayaa sheegtay in Siyaasiyiinta iyo dhalinyarada reer Somaliland ee u safra Muqdisho, aysan waxba ka badaleyn qadiyada Somaliland ee gooni isku taaga.

Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland oo arrintaasi ka hadlaya, ayaa ka dhawaajiyey in aan loo dulqaadan doonin Shaqsiyaadkaasi, isla markaana ay xukuumadu marin doonto shuruucda dalka.

“Madax ha ahaado ama Madax-dhaqameed ha noqdo ama Siyaasi ha noqdee qofka Qaranimada Somaliland ka soo horjeeda waxa la marinayaa Shuruucda Dalka u taalla, loona dul-qaadan maayo” ayuu yiri Guddoomiye Baashe.

Wuxuuna intaas kusii daray Guddoomiyuhu “Xisbiyada Qaranka waxaynu u samaysanay inaynu Qabiilka kaga tagno. Wixii dhexdeena ah waa loo dul-qaadanayaa, laakiin waa lama taabtaan Qaranimada Somaliland”.

“Qof dhalinyaro ah iyo Siyaasi Xamar tagaa wuxuu ka beddelayo Somaliland ma jirto, Qaddiyadda Somaliland-na iyaduna waa lama taabtaan”.

Siyaasiyiin iyo dhalinyaro reer Somaliland ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay lagu arkayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyagoo arrimo kala duwan uga hayaamay deegaanada Somaliland.