Muxaadaradii Sheekh Umal uu maanta ku qaban lahaa Muqdisho oo dib loo dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxaadaro la filayey inuu maant Sheekh Maxamed Cabdi Umal ku qabto garoonka kubadda cagta ee Injineer Yariisow ayaa dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid booliska Soomaaliya.

Muxaadarada ayaa hadda laga dhigay galabta Axadda ah ee 24-ka November, 2019,  kadib markii ay booliiska ay sheegeen inay u baahan yihiin waqti dheeri ah oo ay ku diyaariyaan sugidda amniga garoonka, ayaga oo maanta ku mashquulsanaan doona aaska Marxuumad Almaas Elman.

Sheekh Umal  ayaa maanta la filayaa inuy khudbadda Jimcaha ka jeediyo masjidka Isbahaysiga Islaamka, waxaana uu sidoo kale hoggaamin doonaa salaadda Janaazada ee Almaas.

Muxaadaradan ayaa waxaa hareeyey dood kadib markii Sheekh Soomow oo ah afhayeenka golaha culimada Soomaaliyeed uu ku eedeeyey Umal in dad badan ay dartiis qabri ugu jiraan islamarkaana uusan muxaadaro ku qaban karin Muqdisho.

Guddoomiyaha hey’adda culumada Soomaaliyeed, Sheeikh Bashiir Axmed Salaad iyo culumo kale oo ka tirsan hey’adda oo shir jaraa’id xalay ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan ku matalin hadalkii ka soo yeeray, ee uu ku weeraray Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sheekh Bashiir ayaa sheegay in Sheekh Soomow uusan kala tashan jeedinta hadalkaas, isla markaana aysan ku raacsanayn, isagoo Sheekh Soomow ku eedeeyay in hadii uu wax ka tabanayo Umal ay aheyd inuu la wadaago culumada kale ee kala tirsan hey’adda.