Madaxda hay’addii shaaca ka qaaday heerka taageero ee madaxda dowladda oo la kulmay cadaadis xoogan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan, hay’ada Farsight Africa Research oo kaashaneysa hay’ad caalami ah oo la yiraahdo IPSOS waxa ay soo bandhigeen kalsoonida xilligaan shacabka ku qabaan madaxda dowladda ugu sareysa sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Daraasadda ayaa sheegtay inay hoos u dhacday taageerada shacabka ay hayaan dowladda, gaar ahaan madaxda sare, ayada oo madaxweynaha ay taageersan yihiin 67% shacabka, halka uu ra’iisul wasaaraha uu haysto 62%.

Daraasadaas  ayaa waxaa laga sameeyey magalooyinka Garoowe, Muqdisho, Cadaado, Beledweyne, Kismaayo iyo Baydhaba.

Madaxda hay’adda Cabdirisaaq Maxamed Aadan ayaa waxa uu sheegay in kadib natiijada ay soo bandhigeen ay cadaadis xooggan kala kulmayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka intaba, ayada oo labada dhinacba aysan ku qanacsaneyn.

Isaga oo la hadlayay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xilligaan ay eedeyn kala kulmayaan Dowladda iyo Mucaaradka dowladda intaba, oo midba aanu si ugu qanacsaneyn natiijada daraasadda..

Hoos ka dhageyso Cabdirisaaq Maxamed Aadan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com