Mooto bajaaj oo Muqdisho laga mamnuucay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto uu soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa lagu mamnuucay in dekadda Muqdisho laga soo dejiyo mooto Bajaaj cusub.

Gudoomiye Yariisow ayaa sidoo kale Mamnuuucay in waddooyinka laga soo galo Muqdisho laga soo galiyo wax Mooto ah.

Sababta ayaa lagu micneeyay in ay bateen cabashooyinka dadweynaha iyo hey’addaha amniga ay kasoo jeedinaayan wadayaasha mooto bajaajka.

Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale sheegay mashquul xoogan ( saxmad) ku haayan wadooyinka maadaama ay aad u bateen tirada mootooyinka bajaajta ka howl-gala gobolka Banaadir.

Mootooyin aad u badan ayaa ka hawlgala Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciriiri xooggan ku haya isticmaalka wadooyinka Muqdisho.

Saxmadda ugu badan ee wadooyinka Muqdisho ka jirta ayaa ah ciriiriga mootooyinka ay sababaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com