Xog: Madax goboleedyada oo beesha caalamka kula shiraya Nairobi kadib Gaas oo soo bandhigay qorshe

Nairobi (Caasimadda Online) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa lagu wada in dhawaan ay shir ku qabsadaan madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, kaas oo ay uga hadlayaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada.

In kastoo si rasmi ah aan loo shaacin ajandaha ay shirkooda uga hadlayaan ayaa haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Cabduweli Gaas uu u sheegay in uu jiro kulan ay garwadeen ka yihiin Beesha Caalamka iyo Urur Goboleedka IGAD.

Waxaa lagu waddaa in kulanka looga hadlo sidii loo soo afjari lahaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Xubin ka mid ah  Guddiga fulinta Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa xaqiijiyay in ay sidoo kale dhaceen kulamo dhexmaray madaxda maamul goboleedyadda ee hadda ku sugan Kenya, sida Madaxweynaha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa la sheegay in uu kulankaasi kaga qeyb galay Khadka taleefanka.

Qodobadda looga hadlay Kulanka dhex maray Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa waxaa ka mid ah Sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta maamul goboleedyadda, Dadaallada Aqalka Sare iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ahna Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda  ayaa golaha usoo bandhigay dhexdhexaadin ay garwadeen ka yihiin beesha caalamka iyo IGAD oo ku aadan soo afjaridda khilaafka golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan sheegay in marnaba dadka Soomaaliyeed aysan dhex dhexaadin doonin ajnabi, islamarkaana aayahooda ay iyaga ka tashan doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com