Machadka Heritage oo soo bandhigay 2 arrin oo sabab u ah khilaafka maamullada iyo DF + 8 qodob oo xal ah

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin uu saaray uga hadlay khilaafka ka dhex aloosan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyo waxa sababta u ah, waxaana uu soo jeediyo tallaabooyin haddii la qaado xal u noqon kara xiisadda siyaasadeed.

Warbixinta ayaa tiri “Waa hubaal in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta aysan la curan baaqii dhawaan madaxda maamul-goboleedyadu ay kasoo saareen Kismaayo. Muddo dheer ayuu is-afgaran-waagu hoos ka hulaaqayey, sidii dhimbil dab ah oo danbas daboolay. Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalsooni xumada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu marba marka ka danbeeya waa ay soo if-baxaysey. In kasta oo ay jiri karaan sababa kale, waxa ugu weyn oo isafgran-waagu uu salka ku hayey waa laba faham ama fekar oo isa saamaynayey”

“Tan hore, madaxda dowladda federaalku waxa ay aamineen in dowlad goboleedyadu ay fidsadeen fasirkooda awoodaha uu siinayey dastuurka ku meel gaarka ah intii ay jirtey dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh. Dareenkaas dowladda federaalka waxa uu oranayey, dowlad goboleedyadu, waxay noqdeen kuwo xarga goostay oo gacanta kula jira dhammaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan kuwa dastuurku sida gaarka ah uu ugu asteeyey dowladda federaalka”

“Midda labaad, goboleedyadu waxa ay ku qanceen in maamulka Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay in awoodda oo idil uu Muqdisho isugu geysto. Waxaa kale oo ay goboleedyadu aamineen in qayb ka mid aragtidaas awood aruursiga ee dowladda federaalka ay tahay in xukunka laga tuuro madaxda gobolada, laguna beddelo shakhsiyaad daacad u ah Villa Soomaaliya, maadaama ay doorashooyin kusoo fool-leeyihiin dhammaan dowladgoboleedyada”

Warbixinta machadka ayaa sidoo kale tiri “Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu, talaabooyinkan ayay qaadi karaan, si ay xal uga gaaraan xiisadda ka dhex aloosan:”

  • Si uu kalsooni u dhiso, derbiga kala-shakiga iyo colaadana u jabiyo, Madaxweyne Farmaajo sida ugu deg-degsan wadahadal toos ah ha ugu baaqo madaxda dowlad goboleedyada, hana u caddeeyo in uu diyaar u yahay in uu magaalo madaxyada gobolada ugu tagayo, sida Garoowe.
  • Madaxda goboleedyadu kalsooni dhisidda madaxweynaha, jawaab ha uga dhigaan in ay aqabalaan baaqiisa, meeshana ha ka saareen in shisheeye uu dhex-galo.
  • Ahmiyadda koobaad ee kulankaasi ha noqoto: b) shaaca ka qaadid iyo ballan-qaad dhab ah oo dowladda federaalku ku bixinayso inay ka waantoobayso, joojinaysana faragelinta iyo gacma-gacmaynta siyaasadaha hoose ee -goboleedyada. Dowladda federaalku waa inay sidoo kale ballan-qaaddo inay oggoshahay in doorasho xor ah oo xalaal ah, oo aanay cidna u hiillinayn, cidna ka hiillinayn ay ka dhacdo gobollada. t) dowlad goboleedyadu waa inay si caddaan ah u ballan-qaadaan in ay ka hirgelinayaan gobolladooda doorasho xor ah oo xalaal ah, ayna u oggolaadaan korjoogto rasmi ah oo bulshada rayidka ah . j) dowlad goboleedyadu waa inay ballan-qaadaan inay dowladda federaalka uga danbaynayaan siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca, lacagaha, socdaalka iyo kuwa kale oo si cad dastuurku dowladda federaalka ugu asteeyey. x) waa in laga tashado dib u yagleelidda Madasha Hoggaanka Qaran oo noqon karta gole madaxda heer qaran iyo heer gobol ay ku midaysan yihiin, taas oo lagu gorfaynayo loogana heshiinayo arrimaha masiiriga ah. kh) Dib u aasaasidda Madasha Hoggaanka Qaran waa inaysan keenin wiiqidda awooddii baarlamaanka ee sharcidejin iyo inaysan la wareegin awoodihii golaha wasiirada.
  • Labada dhinac – dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu – waa inay ku heshiiyaan qorshe-hawleed ku aaddan sidii loo dhamaystiri lahaa arrimaha masiiriga ee laga daahay hirgelintooda, si aysan u soo noqon xasillooni darrada siyaasadeed ee taagan. Arrimaha in la iska afgarto u baahan waxaa ka mid ah, qabyo tirka dastuurka, dimuqraadiyeynta dalka sida in lagu heshiiyo hannaan doorasho oo xalaal ah, wadaagga khayraadka, haykalka amniga qaranka, hannanka garsoorka federaaliga ah iyo maxkamadda dastuuriga ah. Baarlamaanku waa in uu derso, kaddibna ansixiyo ama diido wixii madaxda siyaasaddu ku heshiiyaan.
  • Haddii la iimaansado, mudanyaasha Aqalka Sare waa ay awoodaan inay xalliyaan khilaafka dhex yaalla dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, maaddaama ay labadaba ku daaban yihiin. Sidaas darteed, dadaalladda Aqalka Sare waa in lasoo dhaweeyo, lana taageero. Ilaa hadda safarradii xaqiiqo raadinta ahaa ee ay ugu bexeen xakamaynta khilaafku tillaabo ammaan mudan ayay ahayd.
  • Iyaga oo ku kulmaya Madasha Hoggaanka Qaran, dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyadu waa inay isku bahaystaan badbaadinta Galmudug. Goboleedkaan oo in badan oo siyaasiiinta Soomaalidu ka soo jeedaan (sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha), wuxuu si weyn ugu baahan yahay xasillooni, dibu-heshiisiin iyo doorasho dimuqraadi ah. Sida ay hadda Galmudug u taal, oo ah inay madaxweyne, kuxigeen, ra’iisul wasaare, iyo baarlamaan kala fadhiya magaalooyiin kala duwan tahay, ma aha mid sii socon karta.
  • Dowladda federaalku dib ha uga noqoto siyaasaddeeda cusub ee xaddidaysa hannaanka Somaliland ay ku hesho deeqaha bini’aadamnimo iyo taageerada horumarineed, taas ayaana keeni karta in ay dib u hirgalaan wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ee hakadku galay.
  • Dowladda federaalka ahi waa in ay si buuxda u dhowrto xuquuqaha, mabaadii’da iyo dhaqanka dimuqraadiyadda ee dastuurka ku cad, gaar ahaan xuquuqda xor u ahaanshaha in dadku ay dareenkooda cabbiri karaan, xuquuqda dadku in ay kulamo qabsan karaan iyo xuquuqda in dowladda laga caban karo, lalana xisaabtami karo. Duudsiga xuquuqaha aasaasiga ah iyada oo baahi amni lagu marmarsiyoonayo xasilloonina uma keenin dowladda federaalka, kamana dhigin mid horumarsan. Waxaaba la oran karaa, waxa ay ka dhigtay, mid taag daran, oo nugul, ka mashquulsan hawlihii aasaasiga ahaa ee u yaalay, kuna jirta jaah-wareer joogto ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com