Dhageyso: Qalbi Dhagax: Waan dacweyn karay 3 ka mida madaxda dalka balse hal sabab ayaan ku dhaafay

Gaalkacyo(Caasimada Online) – C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo maalmihii dambe socdaal ku marayey qeyb kamid ah Magaaloyinka Soomaaliya ayaa sheegay inuu heysto fursad qaali ah oo uu ku dacweyn karo qaar ka tirsan madaxda ugu sareyso dalka.

Qalbi Dhagax oo dadweyne badan kula hadlayey Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed dartiis iyo Baarlamaanka Soomaaliya ku cafiyey dacwaddii uu rabay inuu ka gudbiyo madaxda ugu sareyso Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay ku gudgudbeyn shakhsi ahaan.

Waxa uu tilmaamay inuu haysto awood badan oo shacabka Soomaaliyeed ah sidoo kalena haystay fursado uu madaxda dalka ugu dacweeyo maxkamado caalami ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay iney u muujiyeen dareen dhab ah oo ku aadan iney la xanuunsanayan dhibta soo gaaray, sidoo kalena Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka horyimaadeen wixii lagu sameeyey.

Qalbi Dhagax aya sidoo kale sheegay in dowladda federaalka dhibaatooyinka haysta ay ka mid tahay in aysan raaligelin ka bixin qaladaadka ka dhaca.

Dowladda Soomaliya ayaa Qalbi Dhagax u dhiibtay Dowladda Itoobiya ka hor inta uusan dalkaas ka dhicin isbadalka weyn waxaana markii Abiy Ahmed noqday Ra’isulwasaaraha dalkaas u suurtagashay inuu xabsiga kasoo baxo.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero badan ku lumisay tallaabadii ay Qalbi Dhagax ugu dhiibtay Dowladda Itoobiya, ilaa haddana lama hayo cid ay mas’uuliyadda kiiskaas dusha ka saaran tahay inkastoo ay Dowladda sheegtay inuu Sanbaloolshe ka dambeeyey arrintaas.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Qalbi Dhagax:

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com