Xog: Beesha Warsangali oo wasiir Jamal ku wareejisay kursigii Dubays/Sin Laawe ee uu iibsaday (Warbixin)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xal laga gaaray murankii ka taagnaa Booska Xildhibaano ee uu baneeyey Dhahar Cali Faarax, kaaso lacag dhowr boqol oo kun dollar ah ka qaatay Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Murankaan ayaa si weyn ugu xoogeystay gudaha Beesha, waxayna qaar ka tirsan Odayaasha Beesha Wansengeli soo saareyn digniin ku aadan inuu Wasiir Jamaal ka shaqeenayo sidii Beesha la isaga hor keeni lahaa.

Wararkii ugu dambeeyey ee arrintaan ku saabsan ayaa sheegayo in Odoyaasha beesha Warsangali gaar ahaan Dubays oo kursigii golaha shacabka ay lahaayeen jufada Sin Laawe, Dubays ee Warsangali ku wareejiyey jufo kale oo aan laheyn kursiga oo ah reer Guuleed, waana jufada  uu ka dhashay wasiirka qorsheynta ee dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xassan.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi ayaa sheegay in kursigan ay ku wareejiyeen reer Guuleed kadib rabitaanka xildhibaankii is-casilay iyo rabitaanka jufada Sin Laawe oo uu ka dhashay.

Beesha Dubeys ayaa laheyd 2 Xildhibaan, oo ku kala asteysnaa sidan: (1): Warsangali/ Dubays/ Sin Laawe (2). ): Warsangali/ Dubays/ Qoob. Halka Jufada reer Guuleed ee wasiirka aaney laheyn wax xildhibaan ah.

Markii uu geeriyooday xildhibaan Daahir Xaaji Geelle, kursigii waxaa la siiyey isla beeshii, oo waxaa badalay walaalkii, laakin hadda markii uu is-casilay Dhahar Cali Faarax Dhahar, waxaa dhacday in kursiga laga wareejiyey beeshii laheyd, oo lagu wareejiyey beesha reer Guuleed ee uu ka dhashay Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan.

Doorashada kursiga waxaa ay dhaceysaa berri oo Axad ah, October 7, 2018, waxaa lagu wadaa inuu ku soo baxo Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan maadaama kursiga isaga la siiyey kadib markii ay ka tanaasuleen beshii laheyd, lama oga waxa uu xildhibaankii is-casilay iyo beeshiisa kursiga laheyd  ay ku badasheen si xaqoodii ay jufo kale u siiyaan.

Laakin waxaa la hubaa in Dhahar Cali Faarax Dhahar oo ahaa xildhibaankii kursiga iska casilay loo Magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiska.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay Wasiir Jamaal ayaa Booskaas ku bixiyey lacag aad u badan oo aan si rasmi ah tiradeeda loo ogeyn balse la sheegay inay kor u dhaafeyso Laba Boqol oo kun oo Dolar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com