Madaxda maamullada iyo madaxdi ay la safteen, maxaa gurmadoo ka yimid?

14-kii Octobar waxay aheyd maalin murugu badan, waana musiibo qaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho. Allah u naxriisto dhamaan dadkii ku geeriyooday, sido kale Allah siiyo caafimaad degdeg ah intii ku dhaawacantahay, inta ku hanti beeshana waxan Allah ugu baryayaa inuu bedel ka kheyr badan siiyo.

Gurmadka musiibada qaran looma kala harin shacab iyo madax,  waxa xusid mudan doorka ay qaadatay dowlada Turkiga oo ah dowladii ugu horeysay ee kasoo jawaabatay musiibada ku habsatay umada soomaaliyeed, sido kale waxa xusid mudan dowladaha jabuuti iyo Qadar oo gargaar degdeg ah lasoo gargaaray.

Waxaanse is weydiiyay aaway madaxda maamul goboleedyada, mise gurmadkooda wuxuu kusoo koobmay warqad tacsi lagu muujiyo, amaba xafiis shir lagu qabto halkaasna laga yiraahdo waan ka xumahay waxa dhacay, mise keliya waxay masuul ka yihiin magaalooyinka ay ka taliyaan.

Wasiirka caafimaadka turkiga wuxuu kasoo duulay wadankiisa oo aan ognahay masaafada uu ujiro wadanka soomaaliya si uu ula qeybsado murugada umada soomaaliyeed, sido kale wasiirka caafimaadka Jabuuti oo isna soo gaaray maagalada muqdisho si uu dereenkiisa ugu muujiyo dadka soomaaliyeed. Laakin madaxda maamul goboleedyada oo wax ka yar saacad ay ku qaadaneyso inay yimaadan magaalada muqdisho si ay shacabka dhibta ula qeybsadaan, waxay kusoo koobeen dareenkooda  in waraaqado tacsi kuso diraan.

Intaas waxaa sii dheer dowladaha sacuudiga iyo imaaratka oo ay madaxda maamul goboleedyada ay la safteen, isla mar ahaantaan ay dhaqaalo badan ka qaateen, wax gurmad ah kama imaan xagooda, marka laga reebo waraaqado hawado la isugo soo diro laguna sheego in laga xunyahay wixii dhacay.

Saaxiibka dhabta ah waa kan kuusoo gurmada xiliga aad dhibaatada ku jirto, taasna waxa noo muujiyay dowladaha Turkiga, Qadar iyo Jabuuti oo diyaarado iyo shaqaalo caafimaad uso diray.

Soomaalida waa inay baraarugaan isla mar ahaantaan ay fahmaan saaxiibka dhabta iyo cida daneyneysa horumarka wadankeena, sido kale waa inay meel ugu soo jeestaan kuwa diidan horumarka dalka iyo kuw dabdhilifyada u ah. 

W/Q  Safaana Haji Ahmed

Email:Safaanahaji@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid