Meydad weli laga baafinayo isbitaalada iyo qoysas weli carruurtooda ku la’ nolal iyo geeri

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli magaaada Muqdisho ka socda dadaalo loogu jiro baafinta dhaawacyada qaar oo ku waxyeeloobmay ismiidaamintii ka dhacday Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada qaar oo aan weli lagu helin eheladooda ayaa ku jira isbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho sida Isbitaal Digfeer, Madiina iyo Daaru shifa, waxaana halkaa ku kala sugan dhalinyaro is xil qaantay oo baafineysa muuqaalada bukaanada ay ka maqan yihiin eheladooda.

Dhaawacyada qaar ayaa waxaa isbedelay muuqaalkooda waxa ayna dhaawacyada uga yaalan wajiga, taa oo sababtay in ehelada qaar aysan garan muuqaalka dhaawacyadooda.

Dhibta ka dhacday 14kii bishan Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa sababtay in wali qoysaska qaar raadinayaan dad ay ehel iyo qaraabo dhaw yihiin oo aan war iyo wacaal loo heynin halkii ay ku danbeeyeen.

Isbitaallada magaalada Muqdisho ayaa wali waxaa yaala meydadka dad la garan la’yahay kuwaa oo xitaa ay ku adag tahay ehelada baadigoobka ku jira in ay gartaan wajiyadooda dadkaa dhintay.

Dadka ku dhintay Qaraxii Sabtidii aynu soo dhaafnay ka dhacay Muqdisho ayaa isugu jira dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Si kastaba ha ahaatee, musiibada ka dhacday Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa noqoneysa tii ugu xumeyd oo abid ka dhacda guud ahaan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com