Madaxda Soomaalida ee ka murugooday geerida Kibaki balse hal mid oo ka aamusay

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii seddaxaad ee Kenya, Mwai Kibaki isagoo 90 jir ah.

Madaxweynaha xiligaan ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay geerida Kibaki, isagoo sheegay in shacabka Kenya ay geli doonaan maalmo murugo iyo baroordiiq ah.

Madaxda Soomaalida ayaa geerida Mwai Kibaki ka fal celiyay iyadoo qaarkood ay ka tacsiyadeeyeen, geerida madaxweynihii hore ee Kenya.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa muujiyay inuu si weyn ugu murugooday geerida Mwai Kibaki, wuxuuna dhambaal tacsi ah u diray shacabka iyo madaxweynaha Kenya. “Waxaan si weyn uga murugooday geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki.”

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca shacabkayga, waxaan jeclaan lahaa inaan dhambaal tacsi ah u diro Madaxweyne Kenyatta iyo shacabka Kenya xilligan murugada iyo dhibaatada haysata,” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Shekeh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda Soomaalida ee ka tacsiyadeysay geerida Kibaki, isagoo qoraalkiisa Twitter-ka ku sheegay inuu dalkiisa waxqabad ballaaran uu ka geystay intii uu madaxweynaha ahaa iyo kahorba.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa isna qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay inuu aad ugu naxay geerida Mwai Kibaki, wuxuuna tacsi tiiraanyeysan u diray qoyskii, shacabka iyo madaxweynaha Kenya.

Marka intaas laga soo tago, madaxda kale ee Soomaalida ka gaabsatay inay ka tacsiyadeeyaan waxaa ka mid ah, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore, Axmed Madoobe-aha Jubbaland oo aad ugu dhow Kenya iyo Saciid Deni.

Mwai Kibaki ayaa Soomaalida ku xusuusan doontaa wanaag iyo xumaan intaba, isagoo si gaar ah lagu xusuusan doono doorkii uu ku lahaa dowlad dhisida Somalia 2004-kii iyo doorkii kale ee uu gudaha Somalia kusoo geliyay ciidamada Kenya sanadkii 2011-kii.